Kontaynaro ay ku jiraan bur xumaaday oo lagu qabtay dekeda Muqdisho (Sawirro)

Posted on

Hay’adda Tayo-dhowrka Qaranka ayaa maanta dekadda Muqdisho ku qabatay Bur qoyan oo gaaraya dhowr kunteenar.

Burkan ayaa la doonayey in loo iib geeyo suuqyada magaalada Muqdisho kaasoo halis ku ah nolosha iyo deegaanka.

Hay’adda Tayo-dhowrka Qaranka ayaa kordhisay baaritaannada joogtada ee Dekedaha, Garoomada iyo bar-xuduudaha dalka iyada oo hubineysa badeecadaha kala duwan ee dalka soo gala.

Talaabooyinkan ayaa looga gol leeyahay si bulshada looga badbaadiyo cudurrada halista ah ee laga qaado  badeecadaha taariikh ahaan dhacsan iyo kuwa tayadooda ay hooseyso.

Dhowaan ayey aheyd markii dekeda Muqdisho lagu qabtay bur fara badan oo laga keenay dalka Turkiga kaasoo ahaa mid dhacay

 

Source link