Madaxweyne Xasan oo u ambo baxay dalka Kenya iyo Xog ku aadan Ujeedka safarkiisa

Posted on




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambo baxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas uu ku tagayo safar shaqo sida aan xogta ku helnay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Nairobi u tagaya sidii uu kulan ula qaadan lahaa dhigiisa dalka Kenya William Ruto, waxa ayna labada madaxweyne kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa wararku sheegayaan in madaxweynaha dalka Kenya u dhiibi doono farriin , si uu uga gaarsiiyo madaxweynaha dalka Kenya oo kusii jeeda dalka Mareykanka lana kulmi doona Joi Biden.

Safarkan Xasan Dheekh ku imaanayo dalka Kenya ayaa noqonaya kii saddexaad uu ku yimaado Kenya muddo labo bil gudahood, waxaana dhawwaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen heshiis dhowr ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link