Madaxweyne Guudlaawe oo fariin Hanjabaad ah loo diray xilli uu ku sugan yahay Hiiraan

Posted on

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa shalay gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kaddib safar dhinaca cirka ah uu ku tagay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Cali Guudlaawe oo safar dhulka ah uga baxay Guriceel ayaa gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Matabaan.

Hoggaamiyaha maamulka la baxay Hiiraamn State , Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) ayaa sheegay in ay ka warhayaan safarka Cali Guudlaawe ku yimid Matabaan, waxa uuna sheegay in uu kusoo xadgudbay xadka maamulkooda u yaallay.

Mr Ganey ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabelle in dhibaato hor leh uu ka abuurayo gobolka Hiiraan, waxa uuna sheegay waxii dhibaato ah ee dhaca uu masuuliyadeeda qaadi doono Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Hoggaamiyaha Hiiraan State ayaa uga digay Madaxweynaha Hirshabelle in uu yimaado magaalada Baladweyne, waxa uuna sheegay in Baladweyne iyo Hiiraan maamulkiisa ka arrimiyo ayna raali ka aheyn in uu cagta soo dhigo Madaxweyne Guudlaawe.

Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne waxaa ka jira maamul la baxay Hiiraan State oo diidan jiritaanka Hirshabelle, maamulkan ayaana kahor istaagay Madaxweynaha Hirshabelle in uu kasoo dego garoomada diyaaradeed ee gobolkaasi kuyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link