Madaxweynaha Masar oo tegay Turkiga iyo qorshe culus oo socda

Posted on

Ankara (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa maanta booqasho ku tegay dalka Turkiga, kadib in ka badan 10 sano oo xiriirka labada dal uu liitay.

Booqashada Madaxweynaha Masar ayaa muujinaysa dhamaadka colaad muddo sanado ah u dhaxaysay isaga iyo madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

Masar iyo Turkiga ayuu cilaaqaadkoodu meesha ka baxay markii xukunka si awood ah looga tuuray madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi, taasi oo Turkigu ka carooday.

Sidoo kale Turkiga ayaa xiligaas qaaday talaabo uu ka carooday Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi, kadib markii uu marti geliyey mucaaradka Masar, xiisada ayaa iskeed u qabowday, maadaama uu dhintay madaxweynihii la afgembiyey ee Masar Maxamed Mursi.

Sarkaal sare oo u hadlay Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in kulamada u bilowday labada madaxweyne looga arrinsanayo sidii meesha looga saari lahaa wixii khilaaf ah, isla markaana labada dal ay isaga kaashan lahaayeen sidii loo joojin lahaa colaadaha ka taagan bariga dhexe.

“Safarka Sisi ee Ankara wuxuu horseedi karaa xiriir cusub oo ganacsi, siyaasadeed iyo mid militeri, waxayna Masar iyo Turkiga ka bilaabi doonaan iskaashigooda, sidii loo joojin lahaa dagaalada ka socda Bariga Dhexeo o kan Xamaas iyo Israa’iil uu ugu horeeyo,” ayuu yiri.

Dareenka ay wadaagaan labadaan wadan ee ku aadan duulaanka Israa’iil ay ku heyso dadka reer Falastiin ayaa soo dedejiyey in la hagaajiyo cilaaqaadka Masar iyo Turkiga.

Bishii Febraayo sidaan oo kale ayuu Madaxweynaha Turkiga u booqday Masar, sidoo kale khilaafkii labada wadan ka dhexeeyey ayaa aad u sameeyey dhaqaalahooda.

Khilaafka u dhaxeeya Sooamaliya iyo Itoobiya ayaa ku jira ajendaha ay ka wadahadlayaan Turkiga iyo Masar, maadaama labada dal ay garab siinayaan Soomaaliya, Masar ayaa ku soo biireysa howlgalada ka socda Soomaaliya, halka Turkigu uu horay u joogay dalka, waxayna ka mideysan yihiin qadiyadda difaaca Soomaaliya.



Source link