Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta qaaday tallaabo kale + Sawirro

Posted on

Baydhaba (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo weli xiisad xoogan ay kala dhexeyso dowladda dhexe ayaa maanta qaaday tallaabo kale, wuxuuna kulan deg-deg ah isugu yeetay Senatorada Koonfur Galbeed ku metala Golaha Aqalka Sare Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo, iyada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka, arrimaha ammaanka iyo sidoo kale hormarinta bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Deegan Doorashadoodu ay Tahay Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay Arimaha Taagan ee Siyaasada Dalka, Hormarinta Bulshada iyo Amniga Guud ee Deeganada Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadedka.

Dhaq-dhaqaaqa ay hadda bilaabeen Senetorada kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxaa uga sii horeeyay xildhibaannada maamulkaas ee ku jira Golaha Shacabka oo 25 kamid ah ay si toos ah u taageereen shacabka Koonfur Galbeed ee u dibadbaxay ciidamada Itoobiya.

Arrimahan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli maalin kahor ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu booqasho ku tegay magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulamo kula yeesheen madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Inta badan kulamada ayaa waxaa looga hadlay xiisadda u dhexeysa Villa Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed , balse ma jirto natiijo rasmi ah oo laga gaaray wada-hadalladaasi.



Source link