Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray isbitaal lagu daryeelayo Ciidamada (Sawirro)

Posted on

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xariga ka jaray wajiga koobaad ee dhismaha isbitaalka loogu tala galay in lagu daryeelo ciidanka Jubbaland.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Isbitaalka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Caafimaadka , Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha, saraakiisha ciidamada kala duwan iyo masuuliyiin kale.

Isbitaalkan ayaa si guud ugu wada shaqayn doona dhammaan ciidamada kala duwan ,iyadoo lagu samayn doono qaliinnada kala duwan iyo daaweeyntooda isla markana laga heli doono dhammaan qalabka muhiimka u ah adeegyada caafimaadka.

Axmed Madoobe ayaana ballanqaaday in isbitaalka ciidamada la balaarin doono, isla markana qeybo cusub lagu kordhin doono, iyadoo dhakhatiir cusub oo tayo lehna lagu soo kordhin doono.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in sababta loo sameeyay Isbitaalkan ay tahay in ciidamada ay helaan daryeel gaar ah oo lagaga kaaftoomo in la geeyo Isbitaalada dadweynaha loogu adeego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link