Madaxweynaha Iran & xubnihii la socday oo weli nolol & geeri lagu la’yahay

Posted on

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Khamenei, wuxuu kulan deg deg ah isugu yeeray golaha ammaanka Iran, xilli ay wali socoto baadi-goobka madaxweynaha Iran oo diyaaradda siday la aaminsanyahay inay ku dhacday kaymaha waddooyinka aan lahayn ee ku dhow tuulada Uzi ee bariga Iran.

Dawladda Iran, si rasmi ah way ku adagtahay inay xaqiijiso nolasha madaxweynaha Iran, halka warbaahinta dawladda Iran si isa soo taraysa waxay u sheegayaan warar iska soo horjeeda, taasoo shaki gelinaysa inuu jiro xiriir dhab ah oo wali laga helay Madaxweyne Raisi.

Wakaaladda wararka Iran ee Mehr iyo wakaaladda kale ee Tasnim oo labadaba hoos taga Dawladda Iran ayaa ah ilaha kaliya ee sheegaya inuu noolyahay Raisi , kaddib xiriir ay la sameeyeen shaqaalaha la socda Madaxweynaha ,laakin muuqaallada laga helay goobta diyaaradda ugu dambeysay xiriirkeeda waxay muujinayaan inuu wali baadi goob socdo.

Wakaaladda wararka Iran ee ISNA ayaa sheegtay in “ilo aan rasmi ahayn qaarkood ay soo sheegayaan in qaar ka mid ah wafdiga madaxweynaha Iran inay ku dhinteen shilka.

Wafdiga Madaxweynaha Iran, waxaa ku jiray saraakiil sare oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda.

Masaajidyada ku yaalla Iran , waxaa ka billaabatay duco loogu duceynayo inuu badqab ku badbaado Madaxweynaha Iran Raisi , oo aan wali si rasmi ah xog looga soo bandhigay diyaarad uu la socday oo lagu warramayo inay dhacday, kaddib markii  wakaaladda wararka Fars Agency ay ugu baaqday dadka reer Iran inay u duceeyaan madaxweyne Raisi.

Haddii aan la helin madaxweyne Raisi oo nool, waxaa booskiisa qaban doona madaxweyne ku xigeenka Mohammad Mokhber, doorasho cusub ayaa lagu dhawaaqi doonaa 50-ka maalmood ee soo socda, sida ay sheegtay warbaahinta Iran.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay la socdeen madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda ayaa dhacday maalintii Axadda, xilli ay ka udbaysay dhul buuraley ah oo ceeryaamo xooggani ay ka jirtay

Madaxweynaha iyo wafdigisa ayaa shilkan galay xilli ay ka soo laabanayeen booqasho ay ku tageen dalka Azerbaijan, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka Iran.

Source link