Lafta-gareen oo kulamo xasaasi ah ka wada ka wada magaalada Nairobi

Posted on

Nairobi (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo wakiiladda beesha caalamka.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maanta la kulmay safiirka dowlada Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern, waxaana kulankooda diirada ku saareen iskaashiga labada dhinac iyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa iska xog waraystay mashaariicda dhinacyada horumarka iyo dib u dhiska ee dowlada Sweden ay ka tageerto maamulka Koonfur Galbeed, sidii loo xoojin lahaa gaar ahaan mashaariicda adeegyada bulshada iyo kaabiyaasha dhaqaalaha

Kulankan ayaa waxaa madaxweyne Lafta-gareen ku wehlinayey wasiirka amniga Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo la-taliyaha madaxweynaha arimaha siyaasada Xuseen Xasan Cabdi.

Sidoo kale, madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa isla maanta Nairobi kula kulmay danjiraha dowlada France u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya Amp Arnaud Suguet.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo danjire Arnaud Suguet ayaa waxay sidoo kale kulankooda kaga wada-hadleen taageerida mashaariicda horumarineed ee socda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Socdaalka Lafta-gareen oo lagu sheegay mid shaqo, ayaa kusoo aadaya xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay maamulka Koonfur Galbeed, taas oo salka ku haysa go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ee bixitaanka ciidamada Itoobiya.



Source link