Lafta-gareen ma ka faa’iideysan doona fursadda ay siiyeen Xasan iyo kooxdiisa?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xujo culus ayaa hortaalla hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiisad markii hore u muuqatay inay laheyd meel laga qabto ama laga xisaabiyo ayaa hadda isku rogtay beelo is-eryanaaya iyo xildhibaanno uu buuqooda sababay in mar labaad uu baaqdo kulankii golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe, guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu go’aansaday in uusan furin golaha illaa banaanka lagu soo xalinayo xiisadda taagan ee ka dhalatay arrintii Xudur iyo xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee dilka loogu hanjabay.

Lafta-gareen sida iska cad wuxuu maanta haystaa fursad aan soo marin intii uu xafiiska joogay Xasan Sheekh, waana inay beeshiisu 90% ka careysan tahay sida loola dhaqmay xildhibaanadooda, iyagoo durba kun tillaabo dib uga baxay nidaamka Xasan Sheekh.

Dad u muuqday inay iska iibinayaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mowduucii midnimada iyo difaaci dalka u beddelay wax uu Xasan Sheekh leeyahay ama ay reer gaar ah leeyihiin, taas oo si weyn u kala qeybisay bulshada.

Mucaaradnimada iyo gadoodka deg-degta ah ee curtay ee reer Koonfur Galbeed ay u qaadeen madaxweyne Xasan Sheekh waa mid Lafta-gareen siin karta dib u doorasho fudud, haddii uu ku dhawaaqo doorasho dev deg ah.

Fursadan oo kale Saciid Cabdullaahi Deni ayey soo martay, waana uu ka faa’iideystay. Waxaa la xasuusta iyada oo reer Puntland si weyn u diidan yihiin Saciid Deni ayuu Xasan Sheekh Muqdisho ka yiri “Puntland 24 saac ayey ku dumeysa” taasina waxay reer Puntland ku qasabtay inay Saciid Deni ku faro adeygaan, iyaga oo cadaawad deg deg ah u qaaday nidaamka Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale la xasuusta inuu isla isbuucaasi uga sii daray xaalka, isaga oo ka hadlayay arrimaha Puntland. Hadaladdii xanafta lahaa ee Xasan Sheekh iyo Xamza ee la xiriiray arrimaha Puntland waxay Saciid Deni siiyeen jaceylka reer Puntland iyo inuu dib ugu soo laabto kursiga, iyada oo loo arkay qofka qura ee reer Puntland ka difaaci kara Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.

Maanta fursad taas lamid ah waxay soo martay Lafta-gareen. Waxaa si aan la fileyn u taageeray Xildhibaanno iyo siyaasiyiin markii hore diidaana, sidoo kale shacabka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa xooggooda maray dhanka Lafta-gareen.

Waxaana la isku raacsan yahay in haddii uu maanta doorasho aado in uusan jirin qof kale oo kursiga ka qaadan kara marka la cabiro heer kulka siyaasadeed ee reer Koonfur Galbeed.

Inkasta oo marka la fiiriyo xaaladda dalka ku jiro ay Lafta-gareen waajib ku tahay inuu midnimada dalka ilaaliyo, dowladnimada guudna u dhimriyo, haddana markii indhaha siyaasadda lagu eego kooxda Xasan Sheekh la joogta iyaga oo isleh Xasan Sheekh qanciya ayey dhinaca Lafta-gareen u abuureen fursad siyaasadeed oo xoog leh.

Waa ilduuf labaad oo ku kaceen Xasan Sheekh iyo kooxdiisu labo sano gudahood, taas oo muujinaysa faham xumadooda siyaasadeed, waxaana hadda la eegaya haddii uu Lafta-gareen fursadaan ka faa’iideysanayo iyo haddii uu midnimada dalka darteed u cafinaayo qalad siyaasadeedkan ay galeen Xasan Sheekh iyo kooxdiisu.



Source link