Khasaare xoogan oo ka dhashay dagaalkii ka dhex socday Xeraale & Caabudwaq

Posted on

Dhimashadii ugu badneyd iyo dhaawac tiro beel ah ayaa la soo warinayaa inuu ka dhashay dagaal beelo walaalo ah ku dhexmaray maanta inta u dhaxeysa degmooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wararkii u dambeeyay ayaa tilmaamaya in dhaawacu ka badan yahay 60 ruux, halka dhimashadu kor u dhaaftey konton qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo xubno ka tirsan Ciidamada amaanka Galmudug oo ku howlanaa in ay Kala dhex galaan dhinacyada.

Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalada Cadaado, Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa xaqiijiyay in dhaawacyo aad u badan isbitaaladooda la jiifiyay, kuwo hor lehna ay saacad walba soo gaarayaan. taasina keeneyso in aysan tiradu wali xaddidneyn.

Dagaalkan oo ah kii ugu khasaaraha badnaa ee mudooyinkan ka dhaca gobolada dhexe ayaa dhexmaraya maleeshiyooyin ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Dir, wuxuuna salka ku haya dilal aano qabiil iyo waxyaabo kale oo labada beelood ku muransan yihiin.

Dagaalka oo soo gaaray gabaldhacii maanta ayaa qaboobay caawa fiidnimadii, waxaana goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiyada dhinacyada iska soo horjeeda, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka uu beri halkiisa ka sii socdo.

Maamulka Galmudug iyo dowlada Somalia ayaa baaqyo nabadeed u diray beelaha dagaalamaya, iyagoo ka codsaday in dagaalka la joojiyo, wixii khilaafaad ah ee jirana lagu dhameeyo wadahadal iyo nabad.

 

Source link