Jabuuti (Wararka Maanta) – Dowladda Jabuuti ayaa weli jawaab la xiriirta dekedda ay u bandhigtay Itoobiya ka sugeyso maamulka Abiy Axmed, si ay u wada-hadlaan, kadibna xal loogu helo xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee u dhexeeyo Addis Ababa iyo Muqdisho.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in Itoobiya ay ka filayaan in ay aqbasho soo jeedintooda ku aaddan adeegsiga dekedda Tojorah.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedada ugu weyn oo ay adeegsiga dekedda Tojorah ugu bandhigeen Itoobiya ay tahay, si loo xalliyo xiisaddii ka dhalatay MOU-gii badda ee sababay Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Arrintaasi wali miiska ayay saaran tahay u jeedada ugu wayn ee aanu ka lahayna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada ka dhex jirta Itoobiya iyo Soomaaliya, madaama oo ay Itoobiya raadinayso marin badeed” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Jabuuti.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay haddii Itoobiya ay aqbasho codsiga Jabuuti in ay labada dhinac isla eegi doonaan nooca heshiiska ee ay wada-gali karaan ee la xiriira isticmaalka dekedda ay u bandhigeen.
Arrintan ayaa muunineyso in Jabuuti ay si wayn u daneyneyso arrinta dekedda iyo kala macaamilkeeda Itoobiya, laakiin aamusnaanta Addis Ababa ayaa muujineyso in Abiy uu si adag ugu dhagan tahay heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan la galay Somaliland.
Sidoo lale waxaa muuqata in Itoobiyaanka ay ku baraarugsanayeen qorshaha qarsoon ee Jabuuti ka leedahay tallaabadan, kaas oo ugu dambeyn ay banaanka keentay, kadib markii ay usoo bandhigtay adeegsiga dekedda Tojorah.
Si kastaba, Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ayaa muddo fog soo jiray, waxaana heshiiska Abiy la galay Muuse Biixi muujinaya sida ay Itoobiyaanka uga go’an tahay inay helaan bad, taas oo haddii ay kusii madax adeygaan sababi karta dagaal gacan hadal ah oo dhex-mara labada dal.