Israel oo Gaza ku celisay meydadkii ugu badnaa iyo shaki xooggan oo dul hoganaya

Posted on

Gaza (Wararka Maanta) – Israa’iil ayaa dib u celisay maydadka in ka badan 80 Falastiiniyiin ah oo ay ku dishay weerarada milatari ee ay ka waddo Gaza tan iyo bishi October, iyadoo duqeymo ay Isniintii iyo Axaddii ka fulisay koofurta Gaza ku dishay ilaa 18 Falastiniyiin ah.

Yamen Abu Suleymaan, oo ah maamulaha Adeegga Gurmadka Rayidka ah ee Khan Younis ee koonfurta Gaza, ayaa sheegay in aysan kala cadeyn in meydadka ay ciidamadu ka soo qodeen qabuuraha iyo in ay yihiin “maxaabiis la jir dilay kaddibna la laayay.

Wuxuu kaloo sheegay in ciidanka Isra’il aysan siinin xog ku saabsan magacyada, dadka iyo heybta, arrintaas oo uu ku tilmaamay danbi dagaal.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan meydadka si loo ogaado waxa sababay dilkooda, ka hor inta aanan loo sameyn aas wadareed.

Isra’il wali kama aysan hadlin meydadka ay ku wareejisay saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta Koofurta Gaza.

Dhanka kale, duqeymo ay ciidamada Isra’il Isniinti iyo Axaddi ka horeysay degmada Khan Younis ayay ilaha caafimaadka xaqiijiyeen in ay ku dhinteen ilaa 8 ruux. Millatariga Isra’il ayaase sheegay in weerarkaasi ay ku khaarijiyeen Abdulfatax Zureyci oo ay ku sheegeen in uu ka tirsanaa qeybta hubka ee Xamaas.

Saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaase ku sheegay Zureyci inuu ahaa wasiir ku xigeenka maaliyadda ee maamulka Xamaas ee Gaza.



Source link