Israel oo diiday qodob ku jiray heshiiskii xabad joojinta uu soo bandhigay Biden

Posted on

Ra’isul Wasaaraha Israel Netanyahu ayaa meesha ka saaran xabad joojin waarta oo ka dhacda Gaza inta ay Israel ka gaareyso hadafkii ay u gashay dagaalka oo ahaa in la tirtiro Xamaas iyo soo furashada la heysayaasha.

Hadalka Netanyahu ayaa ka hor imanaya qodob ku jiray heshiiska uu soo bandhigay Madaxweyne Biden  ee gebi ahaanba lagu joojinayo dagaalka iyadoo la marayo 3 marxalad.

“Waxaan ku heshiinnay inaan rabno inaan soo celinno dadka la afduubay. Laakin dagaalku ma dhammaan doono illaa laga gaaro hadafyada an u galnay.” ayuu yiri Netanyahu.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa goor dhow jeediyay khudbad uu uga hadlay dagaalka Qasa, wuxuu shaaciyay inay Israa’iil u gudbisay Qatar soo jeedin cusub oo la xiriirta xabbad-joojinta Qasa , si loo gaarsiiyo Xamaas.

Qodobbada heshiiska ee Biden uu soo bandhigay Waxaa ka mid ah joojinta dagaalka muddo lix toddobaad ah, oo ku dhacaysa wejiga koowaad oo ay ku jirto xabbad-joojin dhammaystiran, in ciidammada Israa’iil laga saaro dhammaan deegaannada ay dadka Qasa ku nool yihiin, iyo in la sii daayo dad waayeel ah, dhaawaca iyo haweenka ah si loo sii daayo maxaabiista Xamaas.

Marxaladda labaad, waxaa lagu sii deyn doonaa maxaabiista nool oo ay ku jiraan askarta, iyadoo Israa’iil ay billaabayso joojinta dagaalka si dhammeystiran.

Wajiga saddexaad waxaa ka mid ah dib u dhiska marinka Qasa. Wuxuu sheegay Biden, haddii ay Xamaas diiddo soo jeedinta heshiiskan inay Israa’iil sii wadi doonto dagaalka

Madaxweynaha Mareykanka,Joe Biden ayaa goor dhow jeediyay khudbad uu uga hadlay dagaalka Qasa, wuxuu shaaciyay inay Israa’iil u gudbisay Qatar soo jeedin cusub oo la xiriirta xabbad-joojinta Qasa , si loo gaarsiiyo Xamaas.

Qodobbada heshiiska Israa’iil ee Biden uu soo bandhigay;

Soo jeedinta Israa’iil waxaa ka mid ah joojinta dagaalka muddo lix toddobaad ah, oo ku dhacaysa wejiga koowaad oo ay ku jirto xabbad-joojin dhammaystiran, in ciidammada Israa’iil laga saaro dhammaan deegaannada ay dadka Qasa ku nool yihiin, iyo in la sii daayo dad waayeel ah, dhaawaca iyo haweenka ah si loo sii daayo maxaabiista Xamaas.

Marxaladda labaad, waxaa lagu sii deyn doonaa maxaabiista nool oo ay ku jiraan askarta, iyadoo Israa’iil ay billaabayso joojinta dagaalka si dhammeystiran.

Wajiga saddexaad waxaa ka mid ah dib u dhiska marinka Qasa.  Wuxuu sheegay Biden, haddii ay Xamaas diiddo soo jeedinta heshiiskan inay Israa’iil sii wadi doonto dagaalka, isagoo sii hadlaya wuxuu yiri; “Taasi waxay ahayd diiradda, dhamaadka waara ee dagaalkan, mid keenaya dhammaan maxaabiista gurigooda, xaqiijiya ammaanka Israa’iil, u abuuraya maalin wanaagsan Qasa iyada oo aan Xamaas awood lahayn iyo in la dejiyo marxalad siyaasadeed oo bixinaya mustaqbal wanaagsan Israa’iil iyo Falastiin si isku mid ah.”

 

Source link