Internet xumo ka jirta dalal kuyaalla Bariga Afrika iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Posted on

Internet xumo baahsan ayaa laga dareemay saacadihii lasoo dhaafay dalal kuyaalla Bariga Afrika, waxaana shalay iyo maanta culees badan ka jiraa internetka ka shaqeeya dalalka Kenya, Tanzania iyo Uganda .

Shirakadaha bixiya adeegga internetka ayaa la daaladhacaya sidii ay xal ugu heli lahaayeen culeeska ka jira internetka, waxa ay sidoo kale dhibaato kala kulmayaan macaamiishooda oo ka cabanaya internet xumada.

Internet xumada ka jirta dalalkan kuyaalla geeska Afrika ayaa sabab looga dhigay cilad ku timid mid kamid ah xargaha Viber obtica ee badda hoostooda mara, kaas oo gobolka ku xira dunidda inteeda kale, isagoo sii maraya dalka Koonfur Afrika.

Dalka Tanzania ayaa la sheegay in uu yahay dalka saameynta ugu daran uu ku reebay internet xumada, sida uu shaaciyay raadaarka Cloudflare oo la socda dhaqdhaqaaqa internetka, Tanzania ayaa 30% uu hoos uga dhacay heerkii la filayay ee dhinaca internetka.

Shirkado waa weyn , hay’addo dowladeed ayaa saameyn xooggan kala kulmaya internet xumada, lamana oga xilliga la xallin doono culeeskan ka jira adeegga internetka dalalkan kuyaala Bariga Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link