Guddoomiyihii gobolka Togdheer oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Posted on




Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne uu maanta soo saaray xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Togdheer, kuna magacaabay masuul cusub.

Guddoomiyaha xilka maanta laga qaaday ayaa magacaabay 11/09/2021, waxa uuna kamid ahaa masuuliyiintii ugu waqtiga dheeraa ee guddoomiye gobol noqda, maanta ayeyna ku timid seefrii xil ka qaadista.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale;

Guddoomiyihii Gobolka Togdheer

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-
celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka  Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Jaamac Cabdillaahi Warsame Caateeye laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link