Horjoogayaal kasoo baxsaday Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DF

Posted on




Ceeldheer (Caasimada Obnline) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay isa soo dhiibeen horjoogayaal baxsad ka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda federaalka Soomaaliya.

Laba sarkaal oo ka tirsan kooxda, isla markaana watay qoryo AK47 ah ayaa ciidamada Xoogga dalka waxay kusoo dhaweeyeen degmada Ceeldheer ee gobolkaasi.

Xubnahaan ayaa qayb ka ahaa maleeshiyaadka ku dhuumaaleeysanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ceeldheer iyo Cowswayne, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka.

“Xubno ka tirsan Khawaarijta oo baxsad ah ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka XDS ayay la soo sameeyeen xariir, waxaana hada gacanta ku haaya geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed”.

Ceeldheer iyo agagaarkeeda ayaa waxaa weli howlgallo culus ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo halkaas kula dagaalamaya maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiiba dowladda, kadib markii uu kordhay cadaadiska lagu lagu kooxda.










Source link