Hawiye oo arrin gelin ka bixiyey arrin ay ka caroodeen reer K/Galbeed

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Yuusuf Geelle iyo Senator Siciid Siyaad oo metelaya xildhibaanada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada beelaha Hawiye ayaa raali gelin siiyey xildhibaanadii Koonfur Galbeed ee maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta mariyey hadallo loo arkay inay ugu hiilinayaan Itoobiya.

Kulamo dheer oo xildhibaanada Hawiye oo u badan xildhibaanada metela Habargidir iyo xildhibaanada Digil iyo Mirifle ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa ka soo baxday in Xildhibaanada Hawiye ay raali gelin siiyaan xildhibaanada Raxanweyn iyo guud ahaan bulshada reer Bay iyo Bakool.

“Umadda Soomaaliyeed badeeda iyo barrigeeda hadii lagu soo xad-gudbo waxaan midnimo ahayn laguma difaaci karo, reer Koonfur Galbeed waa walaalaheen Ethiopian ma jecla ee raalli ahaada,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Dhegey Geelle Ugaas.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta golaha shacabka, waxaana isugu yimid xubno ka socda labada gole ee baarlamaanka oo xiisadaan ay si gaar ah u quseysay, waxayna faahfaahin ka bixiyeen sababta keentay inay raali gelin bixiyaan xildhibaanada Hawiye.

“Xildhibaanadii hadlay ee beelaha Digil iyo Mirifle hadii xildhibaano kale u jawaabi lahaayeen waxay arrintu ahaan laheyd mid iska caadi ah, balse xildhibaanada waxaa looga soo jawaabay banaanka, waxayna ka dacwoodeen odayaal iyo agaasimayaal u soo hanjabay, gartaasi waa na qabatay, waxaana ka bixinay raali gelin,” ayuu yiri Senator Saciid Siyaad.

Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Dhegey ayaa dadka uu afkooda ku hadlay ee ka soo jeeda beelaha Hawiye ka codsaday in la joojiyo hadallada xanafta leh ee arrintaas ku saabsan, maadaama ay raali gelin ka bixiyeen.

“Dad badan oo xilal haya oo naga soo jeeda ayey warar deel qaaf ah ka dhaceen, maamulada, odayaasha, agaasimayaasha iyo qof kasta oo ka soo jeeda cidda aan afkooda ku hadleyno waxaan ka codsaneynaa in doodaan lasoo afjaro oo wixii dhacay laga daawoobo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas.

Sidoo kale Xildhibaanada u hadlay beelaha Hawiye ee raali gelinta bixiyey ayaa sheegay in hadalkii xildhibaanadaasi ay sheegeen lagu turxaan bixiyey kulankii ay maanta yeesheen, isla markaana aysan ku arkin wax badan oo qaladaad ah, isla markaana ay u tixgelinayaan xildhibaano tabasho qabay oo xaq u halaa inay ka hadlay waxyaabaha dhibaya bulshada ay metelaan.

Hoos ka daawo



Source link