Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiis cusub oo lala soo galay Imaaraadka Carabta

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha soo xaadiray shirka maanta.

Ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey heshiis afgarad ah oo u dhexeeyo Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group oo laga leeyahay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa kulankooda maanta ku ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka.

Intaas kadib golaha ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo.

Golaha ayaa sidoo kale Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada.

Xubnaha golaha wasiirad ayaa si weyn u boggaadiyay guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan guulihii laga gaaray dhinaca Jubbaland.

Dhowaan uun ayay ahayd markii Al-Shabaab soo weeraray deegaanada Buulo-xaaji iyo Harboole lagu gaarsiiyay jab xoogan , isla markaana looga furtay hub iyo saanad ciidan.



Source link