Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta ansixiyay Saddex degmo oo cusub (Sawirro)

Posted on

Golaha Wakiilada maamulka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2aad ee kalfadhiga 10aad, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Dr Maxamed Nur Gacal oo ay ku wehliyeen labadiisa Ku xigeen.

Ajandaha kulanka maanta ay yeesheen golaha Wakiillada Galmudug ayaa waxaa kamid ahaa ansixinta sharciga degmeynta degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaley iyo sidoo kale taageerada dedaalada lagu nabadeenayo beelaha dega Caabudwaaq iyo Xeraale.

Golaha wakiillada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey kuna meel-mariyey sharciga degmeynta, degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley oo kamid noqonaya degmooyinka dawlad gobaleedka Galmudug, kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii degmanimo ayna soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Gudoomiye-yaasha degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley ayaa guddoonka iyo xildhibaanada golaha Wakiillada Galmudug uga mahad-celiyay ogolaashaha iyo ansixinta degmooyinkaas.

Kulanka golaha ee maanta ayaa baaq nabadeed loogu diray beelihii ay dirirtu ku dhex martay deegaanada Cabuudwaaq iyo Xeraale, waxaana goluhu magacaabay guddi baarlamaan oo kala shaqeeya xukuumadda heshiisiinta beelaha uu dhex maray dagaalka sokeeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link