Golaha ammaanka oo war culus soo saaray kadib guuldarrada xabbad-joojinta Gaza

Posted on

Gaza ((Wararka Maanta) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii muujiyay sida ay uga xun yihiin in lagu guul daraystay soo afjarista heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Isra’il ee ku jira gacanta kooxaha Falastiiniyiinta.

Walaaca Golaha Ammaanka ayaa imanaya, xilli ay sii kordheyso colaadda Falastiiniyiinta iyo Isra’aa’iiliyiinta, iyada oo todobaadkan lasoo helay meydadka lix ka mid ah la heystayaasha Israa’iiliyiinta iyo halka tobnaan Falastiiniyiin ah lagu dilay rabshado ka dhacay Daanta Galbeed.

Danjiraha Slovenia ee Qaramada Midoobay Samuel Žbogar oo hadda ah Shir-guddoomiyaha Golaha Ammaanka, xilkaas oo ah mid meerta ah oo bishiiba uu waddan guddoomiyo, ayaa sheegay in ay jirto caro laga dareemay dunida oo ku saabsan, sida bulshada caalamka ugu fashilantay loogu guuldarreystay dhibaatada Falastiin ka jirto iyo sii deynta dadka la heystayaasha Isra’il.

Wuxuu kaloo sheegay in bulshada caalamka ay ka careysantahay joogsi la’aanta dagaalka ka socda Gaza.

Hadalka danjirahan ayaa yimid, kaddib kulan ay codsatay Isra’il oo uu Goluhu isugu yimid Arbacadi, kaddib dilki Gaza loogu geystay lix ka mid ah tobnaanka reer Isra’il ee gacanta ugu jira Xamaas iyo kooxaha kale ee ka dagaallama Gaza.

Sidoo kale, danjiraha Aljeeriya ee Qaramada Midoobay ayaa isna Golaha Ammaanka ka codsaday in ay ka hadlaan rabshadaha sii baahaya ee Daanta Galbeed, halkaas oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in ciidamada Isra’il ay ku dileen ugu yaraan 30 qof oo Falastiinyiin ah oo ay ku jireen 7 carruur ah



Source link