Golaha Ammaanka oo war culus kasoo saaray xaaladda kasoo korortay bariga dhexe

Posted on




New York (Wararka Maanta) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay dadaallo diblomaasiyadeed oo degdeg ah si looga fogaado isku dhac ballaaran oo ka dhaca bariga dhexe, kulan degdeg ah oo ay yeesheen saacado ka dib markii Mr Haniyeh la dilay.

Madaxa Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku tilmaamay xaaladda taagan halis soo korortay. Safiirka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa isnah ku tilmaamay fal argagaxiso. Shiinaha, Ruushka iyo Aljeeriya ayaa iyaguna cambaareeyay. Japan ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in gobolka uu qarka u saaran yahay dagaal dhan walba ah.

Britain waxay ku boorisay xasillooni iyo is-xakameyn, iyadoo ku celisay baaq xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa. Maraykanka ayaa ugu baaqay xubnaha Golaha Ammaanka ee saamaynta ku leh Iran “inay joojiyaan inay sii huriyana xaaladda qasan ee ka taagan bariga dhexe.

Dhinaca kale waxaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in dalka Iran ay ka dhacdo baroor-diiq loo sameynayo madaxii siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah oo la dilay Arbacadii shalay. Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tujin doona salaad Janaaso ah ka hor inta aan hogaamiyihii Xamaas loo qaadin magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaa oo lagu wado in lagu aaso.

Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil inay ka dambeysay dilka, waxayna ugu hanjabtay “ciqaab adag” balse ma sheegin qaabka ay uga aargudan doonto Isra’il.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saddex sarkaal oo ka tirsan Dowladda Iran oo ka dalbaday in aanan la magac-dhabin, ayaa sheegay, in Ayatullah Cali Qamaney uu ciidamada Iran ku amray in ay si toos ah u weeraraan Isra’il.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu “dharbaaxo culus” u geystay cadawgiisa maalmihii la soo dhaafay, oo ay ku jirto dilka taliye sare oo ka tirsanaa ururka Xisbullaah kaasoo lagu dilay Lubnaan saacado ka hor weerarkii Tehran.

Waxa uu uga digay Israa’iiliyiinta in “maalmo adag ay soo socdaan”, iyadoo laga cabsi qabo isku dhac ballaaran uu ka dhaco Bariga Dhexe.










Source link