Golaha amaanka ee QM oo u codeeyey xubinimada 5 dal oo ay Somalia ku jirto

Posted on

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay ka mid noqoto shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026-ka.

Golaha ayaa maanta u codeeyay shanta da ee kala ah Soomaaliya,Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama, waxayna wixii maanta ka bilowdo si rasmi ah uga mid noqdeen xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,Soomaaliya ayaa xubin aan joogta ahayn ka noqtay  golaha,Iyadoo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dal iyo dibad ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay hannashada kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,waxayna tallaabadan si gaar ah ugu ammaaneen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha JFS oo juhdi badan geliyay sidii maalintan taariikhi ah loo xaqiijin lahaa.

Dowladda federaalka ayaa dadaal xooggan gelisay sidii ay kursiga aan joogtada ahayn ay ku heli lahayd,Soomaaliya iyo 4-ta dal ee kala ah Denmark,Greec,Pakistan iyo Panama ayaa waxay badali doonaan kuwii horay ugu fadhiyay kuraasta ee kala ah  Mozambique,Switzerland,Malta,Japan iyo Ecuador.

Source link