Geeddi socodka dhamaystirka Dastuurka oo dib loo bilaabay (Shan cutub oo Miiska saaran)

Posted on

Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa yeeshay kulan shaqo oo ay ka soo qeyb-galeen dhammaan xubnaha guddiga.

Kulankan ayey xubnaha guddiga diiradda ku saareen dib u eegista, wax ka bedelka iyo dhameystirka cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee Dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga Burhaan Aadan Cumar ayaa warbaxin guud ka siiyay xubnaha guddiga geeddi socodka dhamaystirka Dastuurka, ayadoo dood iyo falaqayn laga yeeshay diyaarinta cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee Dastuurka iyo dhamaystirkooda.

Gabagabadii, guddoomiyaha Madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka Burhaan Aadan Cumar oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga ku amaanay dadaalkooda ku aaddan dhamaystirka Dastuurka.

Guddigan ayaa marka aya shaqadooda dhameeyaan waxay cutubyadan ka tirsan dastuurka horgeyn doonaan baarlamanka Somalia oo ka doodi doona ka hor inta aysan ansixin.

Labada aqal ee Baarlamanka ayaa dhowaan ansixiyey cutubyada 1aad, 2aad iyo 3aad ee dastuurka oo lagu sameeyey wax ka bedel iyo dhameystir ka dib doodo kulul oo ay ka yeesheen, iyadoo qorshaha dhameystirka dastuurka ee Madaxweyne Xassan gadaal ka riixayo ay ka hor yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo mid ka mid ah dowlad goboleedyada oo dhaliilay sida arrintaas loo wajahay.

Source link