Gaari rasaas iyo saanad kale oo ciidan u waday kooxda Al Shabaab oo la qabtay (Sawirro)

Posted on




Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Ururka 86-aad ee guutada 77 ayaa gacanta ku dhigay Gaari nuuca Soomaalida u taqaan  Layla Calaawi ah oo rasaas iyo saanad kale u siday Al Shabaab .

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in ay heleen xogta gaarigan waday rasaasta iyo saanada kale kuna sii jeeday deegaannada Al Shabaab maamulaan, waxaana gaariga lagu qabtay deegaanka Mary-suley oo u dhow xadka Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe.

Gaarigan iyo dadkii la socday ayey ciidamada ku wadaan baaritaanno, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in gaariga alaabta saaran ee saanada iyo agabyo kale loo waday Al Shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan deeegaanno iyo degmooyin katirsan Hirshabelle iyo Galmudug ayaa marar badab qabtay gaadiid rasaas, daawooyin iyo agabyo kale u waday kooxda Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link