Farmaajo, Shariif, Khayre iyo Madax kale oo ka hadlay guusha ay gaartay Somalia

Posted on

Qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ka hadlay guusha au caawa gaartay Somalia ee loogu doortay xubinimada kursiga aan joogtada aheyhn ee golaha amaanka ee QM

Qoraalo ay siyaasbo kala duwan u soo kala saareen Madaxweynayaashii soo maray dalka qaarkood sida Farmaajo iyo Shiikh Shariif, raisul wasaarihii hore khayre iyo xubno kale ayey ku sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin talaabadan.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA SADEXDA XUBNOOD.

MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO

Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa in dalkeennu uu maanta ku guulaystay xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee sannadaha 2025-2026-ka, taas oo ku timi dadaalladii diblomaasiyadeed ee aannu soo bilowney sannadkii 2018-kii, maantana uu guul taariikhi ah dalkeennu ka gaaray.

Qaranka Soomaaliyeed oo ku guulaystay Kursigan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay inoogu danbaysay sannadkii 1972-kii, waxa ay dalkeenna u tahay sumcad iyo guul taariikhi ah, taas oo noo muuqatay markii aannu bilaabaynay himiladan.

Hadaf kasta oo qaran oo lagu raadiyo wadajir, loogana shaqeeyo si daacadnimo iyo waddaniyad leh, waxaa xaqiiq ah inuu miro dhal noqonayo, waana tan laga rabo in hoggaan kasta oo Soomaaliyeed uu ku shaqeeyo. Hambalyo Shacabka Soomaaliyeed

XASSAN CALI KHAYRE.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee maanta Soomaaliya uga soo hoyatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo uu dalkeennu xubin aan joogto ahayn ka noqonayo labada sano ee soo socota.

Waxaan ku faraxsanahay in uu guuleystay hayaankii iyo himilladii aan soo billownay markii Oktoobar 2018kii ay codsiga xubinnimadan gudbisay xukuumaddii aan Raysulwasaaraha ka ahaa, oo baadigoobka kursigan gelisay dadaallo diblumaasiyadeed, si ay 52 sano ka dib Soomaaliya xubin uga noqoto golaha Ammaanka.

Waxaan Madaxda Qaranka ugu baaqayaa in aragti cad laga yeesho sidii looga miradhalin lahaa fursaddan taariikhiga ah, lana xoojiyo xafiiskeenna Qaramada Midoobay ee New York, si uu dalkeennu kaalin firfircoon uga qaato Golaha Ammaanka, milgo iyo kartina ugu matalo Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.

SHARIIF SHIIKH AXMED

Source link