FAHAD Yaasiin oo ka hadlay dagaalka siyaasadeed ee Xamza iyo Axmed Madoobe

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlay go’aanka ra’iisul wasaare Xamsa uu ku wajahayo khilaafka ka dhashay doorashada Jubbaland iyo qorshaha meel ku dhegga ah ee Axmed Madoobe.

Fahad Yaasiin ayaa horay u sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dhex yaalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka uu yahay imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

“Ra’iisul Wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 wuxuu doortay inuu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 aysan ahayn xarun siyaasadeed oo 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐝𝐨𝐨𝐛𝐞 kaligiis u furan,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ayaa horay dagaal siyaasadeed ugu qaaday Axmed Madoobe, balse waxaba waa ka qaadi waayeen, wuxuuna hadda muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in mar kale ay Axmed Madoobe iyo Xamsa Barre ay galaan loopan siyaasadeed, si Axmed Madoobe looga saaro saaxada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa maanta si cad u sheegay in Axmed Madoobe aan laga aqbali doonin in dadka Soomaaliyeed uu dhaafiyo fursadda dib loogu celinayo awoodooda doorashada madaxdooda.

Xamsa ayaa maanta tusaale u soo qaatay sida madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ay xilalka sugu wareejiyeen, intii Axmed Madoobe uu heystay Jubbaland, isagoo si murtiyeysan u yiri “Hadii gugii kuu kordhaa uusan garaad kugu kordhin, maxaad geedka dhaantaa?”

Axmed Madoobe oo madaxda dowladda federaalka ka diiday in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa hadda guda galay qabashada doorasho dadban, si mar kale uu ugu soo noqdo xukunka.

Dowladda Federaalka ayaa mowqif adag ka istaagtay doorashada Axmed Madoobe ku qabanayo Kismaayo, waxayna isugu dartay hanjabaad, waano iyo cagajugleyn, balse ma jirto cid dheg jalaq u siineysa oo Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ka shaqeynayaa sidii xukunka uu u sharciyeysan lahaa 25-ka bishaan oo doorashada maamulkaas la soo gabagabey doono sida ku cad jadwal uu soo saaray guddiga doorashada Jubaland.



Source link