Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay xarun degmo oo si qurux badan loo dhisayo (Sawirro)

Posted on




Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub oo ay yeelaneyso xarunta degmada Wadajir, taa oo lagu dhisi doono iskutashi dadweyne oo qeyb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal Dollar.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay Duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale sida uu had iyo jeer u dhiiragalinayo horumarista caasimaada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed in ay isku tashtaan oo dalkooda dhistaan, islamarkaana ay ka maarmaan gacmaha shisheeye.

Xarunta degmada Wadajir ayaa horey ugu bur burtay weerar ismiidaamin ah oo kooxda Al Shabaab ku qaaday, waxaana hadda la filayaa in xarunta degmada loo dhiso si ka qurux badan sidii ay markii hore aheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link