Dowladda Soomaaliya oo muddeysay xilliga ciidanka Itoobiya ka baxaan Soomaaliya

Posted on

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Itoobiya ayaa meel xun gaaray, kaddib markiii Ra’isul Wasaaraha Itooniya Abiy Axmed heshiis is-afgarad ah la saxiixday Madaxweynaha Somaliland .

Tan iyo waxii ka dambeeyay markii heshiiska wada galeen Itoobiya iyo Somaliland ayaa xiriirka dowladda Federaalka iyo tan Itoobuiya meeshii ugu xumeyd gaaray, waxaana guul daeeestay dedaalo lagu doonayay in labada dal la isku soo dhaweeyo.

Itoobiya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo qaarkood katirsan yihiin howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS, halka kuwa kalana si sharcidarro ah kusoo galeen qeybo kamid ah Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ee sannadkan ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka.

Howlgalka ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ayaa qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo dhammaadka sannadkan, hasa ahaatee waxaa soo baxaya in muddo sannad ah ciidankan loogu dari doono howlgalka ,iyadoona laga reebi doono kuwa Itoobiya ka socda.

‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay’’ ayuu yiri Xuseen Macali

La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya ayaana sheegay in sababta ciidamada Itoobiya in ay sii joogaan dalka aysan dowladda u dooneyn ay tahay khilaafka siyaasadeed ee labada dal ka dhaxeeya.

‘’Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan.’’ayuu yiri Xuseen Macalin.

Xuseen Macalin waxa kale oo uu sheegay in marka uu dhammaado xiliga ATMIS Diiseembar 2024, ay jiri doonaan illaa 12,000 oo askari oo qayb ka noqonaya hawgal cusub, kaas oo ay suurtagal noqon karto in ay qayb ka sii ahaadaan dawladdaha hadda ciidamadoodu joogaan marka laga reebo kuwa Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaana ku sugan qeybo kamid ah gobolada dalka oo ay ka howlgalaan, lamana oga sida ay suurto gal ku noqon doonto rabitaanka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidanka Itoobiya laga reebo howlgalka ATMIS dalkana ka baxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link