Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in loo midoobo ka hor tagga wararka been abuurka ah

Posted on

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa wararka been abuurka ah ee sida qaldan loo baahiyo.

Wasiirka oo furay Shirka Saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida ee lagu qabtay Muqdishho ayaa intaa ku daray in Technologyadda casriga ah ee la haysto loo adeegsado dhanka wanaagsan oo lagula dagaallamo xumaanta.

Wuxuu mudane Daa’uud Aweys xusay in xilligan uu dalku marayo xaalad soo kabasho ah, sidaas daraaddeedna uusan u baahnayn in laga shaqeeyo kala daadinta Umadda Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo aaladaha casriga ah.

“Bulshadeenna ay colaaduhu ragaadiyeen waxay haatan ku jirtaa marxalad dib usoo kabasho ah iyo in loo abuuro jawi is-afgarad iyo kalsooni soo celin ah, sidaad ogtihiinna waqtigan casriga ah ee aynu ku nool nahay horumarka dhinaca Technologyadda halkii ugu sarreysay ayuu marayaa waxaana si sahlan noo saameeyay in si fudud loo faafiyo wararka been abuurka ah oo bulshada Qatar ku ah jiritaanka Umaddeenna, anshaxa, diinteenna xaniinka ahna wax u dhimaya”.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay ka dowlad ahaan anay indhaha ka qabsan doonin faafinta wararka been abuurka ah, kuwaas oo sababi kara iska horkeenka bulshada, hurinta colaadaha, baahinta anshax xumada IWM.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayaa socon doona muddo laba cisho ah, iyadoo looga doodi doona dhibaatooyinka ay sababaan wararka been abuurka ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link