Dowladda oo Digniin u dirtay dadka Warbaahinta iyo baraha bulshada sida khaldan u isticmaala

Posted on

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa ka hadlay dadka sida qaldan u isticmaala barah bulshada ee  ku soo gudubiya waxayaabahaa liidiga ku ah xeerarka dalka u yaalah iyo qawaaniinta ay hoosta ka xariiqay in ay dowaadda Soomaaliya marnaa raalli ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulsada iyo abuurada dhaqanka nuucaas ah.

”Dalkaan muddooyinkii ugu danbeysay xoriyaadda hadalka waxaa u ka joogay meel wanaagsan,qof maanta cabsi darteed awoodi wayay in u  gudbiyo fariin u doonayay oo sax ah,sharcigana waafaqsan in u jiro umalayn maayo sidan Aaminsanahay,Mabda’a xuquuqul Insanka iyo xorriyadda hadalka halkaas ayuu naga yaalla,waana lama taabtaan,dastuurka iyo sharuucda dalka ayey ku qoraantahay.

Sidoo kale Al-Cadaala  ayaa sheegay in dadka baraha bulshadda ka hadal ee dhanka qaldan u isticmaala ay saameyeen wacyi-galinta bulshada ,waxaan la arkaya Idaacaddo ay ka socdaan gabar qori sidata oo ku hanjabaysa in ay 200 oo dad ah dilayso,waxaa nuucaas ah Anshaxa iyo xeerarka Saxaafadda midna ma ogola mana sameyn kartida ayuu yiri Al-Cadaala oo hadalkiisa si wata,waana in aan kala saarno wixii anshaxa saxafadda caalamiga ah ay isla aqoonsan yihiin iyo in aan ilaalino xorriyadda hadalkana,dadka ay dowladda xirtay waxay ku kaceen wax ka baxsan xorriyada hadalka,anshaxa,Islaamnida,dhaqanka ummaddeed ka soo horjeeda ayeey ku kaceen,sharciga ayaana la geyn doona”.

Dhanka kale wasiirka wasaardda Awqaafta iyo Arrimaha diinta mudane Mukhtaar Roobow Cali iyo qaar ka mid ah Culuma udiinka  ayaa si kuluul uga hadlay saameynta si xun u isticmaalida barah bulshada loogu soo gudbiyo waxyaabo aysan  Diinta Islaamka iyo Shaceerda raalli ka ahayn in bulshada lala wadaaggo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link