Diyaarad ku bur burtay dalka Turkiga iyo khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Posted on

Diyaarad nuuca milatariga lagu tababaro oo ay leeyihiin ciidamada milatariga dalka Turkiga, ayaa saakay ku bur burtay degmadda Kayseri ee bartamaha dalkaasi, kaddib markii diyaarada cilad lasoo daristay.

War kasoo baxay wasaaradda Difaaca dalka Turkiga ayaa lagu xaqiijiyay bur burka diyaaradan nooceedu ahaa SF-260D , mana shaacin wasaaradda ilaa hadda waxa sababay bur burka diyaarada ku yimid.

Wasaaradda Difaaca dowladda Turkiga ayaana xaqiijisay in shilkaan diyaaradeed ku geeriyoodeen labo duuliye, waxa ayna wasaaradda tacsi u dirtay ehelada labada duuliye ee ku dhintay shilka diyaaradeed.

Taliska guud ee ciidanka cirka ee dalka Turkiga ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan bur burka diyaaradan oo  ka duushay taliska saldhiga weyn ee 12-aad ee diyaaradaha xamuulka ee ku yaalla degmadda Kayseri .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link