Dibad bax balaaran oo maanta ka dhacay xarunta gobolka Banaadir (Sawirro)

Posted on



Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay dibad bax balaaran oo uu maamulka Gobolka Banaadir iyo howl wadeenada kala duwan ee goholka ku taageerayeen uguna mahadcelinayeen Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Golaha Amaanka Qaramada Midoowe, taas oo ah guul weyn oo usoo hooyatay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Dibad baxa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), guddoomiyaasha degmooyinka, aggaasimayaal, iyo kumanaan kamid howl wadeenada maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dibad baxa ka hadlay ayaa uga mahadceliyay madaxda Qaranka guulaha isdaba jooga ah ee ka gaareen siyaasada arrimaha Dibadda iyo Gudaha, kuwaas oo horseed u ah in Soomaaliya ay markale cagaheeda si buuxda ugu istaagto.

– Advertisement –




Source link