DF oo qaaday tallaabo ay ku yaraneyso culeys ka dhashay go’aan kasoo baxay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday inay joojisay in canshuurta iibka laga qaado isbitaallada magaalada Muqdisho, kadib markii cabasho wayn ay ka timid dhanka bahda caafimaadka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ku dhowaaqay go’aankan, wuxuuna sheegay inay tixgeliyeen cabashada isbitaallada, isla markaana ay ka dhaafeen canshuurka gadista ee ay dhowaan soo rogtay wasaaraddu.

“Canshuurka gadista (VAT) waxaan idin kugu bishaareyneynaa inaan ka deynay isbitaallada magaalada Muqdisho” ayuu yiri wasiir Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ogaadeen in inta badan canshuurtan aan laga qaadin waddamada Afirika, isla-markaana ay garteen inay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaadka.

“Waxaan ogaanay in Afrika canshuurtan aan laga qaadin isbitaalla ama wax yar uun ay bixiyaan, marka DFS iyada oo u damqaneyso daruufaha ay dadka ku jiraan iyo daryeelka caafimaadka baahiyaha loo qabo canshuurta meesha way ka saareysa” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka ayaa ka hadlay baahiyaha ka jira isbitaallada ay maamusho dowladda, gaar ahaan Martiini wuxuuna ballan qaaday in koronto dambe laga jari doono isbitaalka, isla markaana mas’uuliyadda ay qaadi doonto wasaaradda maaliyadda.

“Waxaan kale oo idin kuugu bishaareyneynaa koronta dambe oo caawa kadib idin ka go’eyso ma jiri doonto,BECO halkan waxaan ka fareynaa in isbitaalka ay korontada usoo dayso, mar kalena aysan ka xirin” ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenka maaliyadda.

Ka noqoshada go’aanka ayaa yimid, kadib markii dhowaan Muqdisho lagu xiray maamullada afar isbitaal oo kala ah Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese iyo Muqdisho Hospital, ka dib markii ay diideen in ay bukaannada ka qaadaan canshuurta iibka adeegga caafimaadka, waxaana kadib la’isugu yimid kulan deg-deg ah oo xal looga gaaray arrintan.

 



Source link