Dekadda Garacad oo lagu wareejinayo Shirkad Imaaraadka laga leeyahay iyo Digniin laga soo saaray

Posted on

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay socdaan qorshe la doonayo in dekadda Garacad ee kutaalla gobolka Mudug Puntland, lagu wareejiyo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka, taas oo maamuleysa dekadda .

Maamulka dekadda Garacad waxaa hadad gacanta ku haya guddiga Wadaagsin, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in guddigan ay wadahadallo kula jiraan shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka oo lagu wareejinayo dekadda Garacad.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Xasan Gablax oo katirsan Barlamaanka Puntland ayaa ka digey heshiiska la sheegay in  guddiga gacanta ku haya dekedda Garacad la galayaan shirkad laga lee yahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Gablax ayaa uga digey guddiga Wadaagsin ee dekedda maamula in ay galaan heshiis aan la shaacin, wuxuuna xusay in heshiis aan lagala tashan waxgaradka iyo bulshada gobolkaasi uu wiiqi doono xiriirka ka dhexeeya Imaaraadka iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlaya xilka xildhibaanimo ee laga soo doortay degmada Jarriiban, waxaan halkaan uga digayaa Guddida Shirkadda Wadagsan inay ku degdegaan heshiis aan la shaacin oo khuseeya Dekedda Garacad oo ay la galaan shirkad ay dawladda Imaaraadka Carabtu leedahay” ayuu yiri Xildhibaanka.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in dekadda Garacad kaliya aysan laheyn guddiga gacanta ku haya , balse dekaddu tahay mid bulshada Mudug wada leedahay ayna wada maalgashteen, waxa uuna xusay in heshiiskan uu walaac hor leh abuuri doono.

“Shirkada Wadagsan keligeed iskama leh dekedda Garacad. Odoyaasha iyo dadka aan kasoo jeedo ee Mudug lagalama tashan hantidooda ay maalgashadeen, waxayna ka walaacsan yihiin hubanti la’aanta uu heshiiskani ka dhex abuuri karo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta” ayuu yiri Xildhibaan Gablax.

Dekadda Garacad ee kutaalla gobolka Mudug ayaa lagu dhisay qaab isku tashi ah, waxaana dekadda hadda gacanta ku haya guddi dadka deegaanka oo loo xil saaray, iyadoona hadda soo baxayaan in dekadda maamulkeeda lagu wareejinayo shirkad Imaaraati ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Source link