Degmadii labaad oo laga soo dhaweeyay Itoobiya, lagana diiday Masar + Sawirro

Posted on

Waajid (Wararka Maanta) – Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa noqotay degmadii labaad ee lagu qabto dibadbax lagu taageerayo ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed, sidoo kalena lagu diidayo keenista ciidamada Masar.

Dibadbaxan aya waxaa horkcayay guddoomiyaha degmada Waajid Maxamed Macallin Yusuuf, waxaana uu sheegay inay taageerayaan sii joogitaanka ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa qaar kamid ah dadkii ka qayb-galay banaanbaxa ay sheegeen in deegaanadooda aysan ka howlgeli doonin ciidamada Masar ee lagu bedalayo kuwa Itoobiya.

Dibad-baxayaasha ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin “ma rabno Masar” iyo “soo dhawoow Itoobiya”, taas oo fajaciso ku noqotay dad badan, maadaama ay hadda meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayeen Al-Shabaab, iyagoo u arka ciidankan in ay naftooda u hureen amniga dadka deegaanka.

Waxaa kale oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay diiradda saarto xallinta arrimaha Itoobiya kala dhaxeeya, halkii ay abuuri caqabad hor leh, oo ay u arkaan imaatinka ciidamada Masar.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale dibad-bax kan lamid ah loogu qabtay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo isna lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon.



Source link