Danjire Khadiija Cosoble oo gaartay magaalada Brussels

Posted on

Brussels (Wararka Maanta) – Safiirka cusub ee Wadamada la isku yiraahdo Benelux iyo Midowga Yurub Khadiija Cosoble Cali ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Brussels ee dalka Belgium. 

Ambassador Khadiija Cosoble Cali, ayaa sheegtay in ay si hufan ugu adeegi doonto bulshada Sooamaliyeed ee ku nool dalalka Benelux. 

Khadiija Cosoble, oo si weyn ay u soo dhaweeyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda, Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Belgium iyo ururka Hidda-dhoor oo ka dhisan dalkaas, ayaa waxaa ay ka mahadcelisay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey.

Fahdiya Maxamed Cabdullaahi oo ah qunsulka safaardda Soomaaliya ee Belgium iyo Midowga Yurub iyo Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ah xooghayaha koowaad ee safaaradda, oo qeyb weyn ka qaatay soo dhoweynta safiirka cusub, ayaa waxaa ay sheegeen in ay farxad weyn u tahay in ay la shaqeyaan Marwa Khadiija Cosoble oo ah qof aqoonayahan ah, waxtarna u leh bulshada Soomaaliyeed. 

Danjire Khadiija Cosoble Cali, ayaa la filayaa in dhawaan ay kulamo la qaadato jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool waddamada Benelux, sida Belgium, Holland, iyo Luxemburg,wadamadaas oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.



Source link