Ciidanka Ruushka oo kaabiga ku haya Magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine

Posted on

Ruushka ayaa horumar ka sameynaya dagaalka Ukraine, iyadoo warbixinnadii u dambeeyay ay soo muujiyeen ciidanka Ruushka inay kaliya 20 km u jiraan magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv.

Ciidanka Ruushka ayaa la wareegay inta badan magaalooyinka ku hareeraysan Kharkiv oo waqooyiga Ukraine ku taalla.

Ruushka haddii uu gaaro Kharkiv, waxay xaaladda ku xumaanaysaa ciidanka Ukraine, sababo la xiriira furimaha dagaalka ee Ruushka uu ballaariyay, halkaasoo uu u adeegsan karo Ruushka,  saldhig weerar oo dhibaato u geysanaya ciidanka Ukraine ee dib u gurashada ku jira.

Ukraine ayaa ka cabanayso inaysan wali soo gaarin taageerrada militari ee Mareykanka oo si dhammeystiran aan u gayn dalkaa hubkii ay u baahnaayeen.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa lagu warramaya inuu ku soo daray la-taliyayaashiisa aqalka Kremlin-ka , Sergei Karaganov, oo ah 71 jir ku xaal-dheer siyaasadda iyo sayniska, ninkan wuxuu caan ku yahay magaca Professorka qiyaamaha (Professor Doomsday), ujeeddada hadda uu ugu biiray aqalka looga arrimiyo Ruushka, waxaa lagu sheegay si uu u bixiyo tallooyin la xiriira habka uu Ruushka sare ugu qaadi karo carqaladeynta reer galbeedka oo ay ugu horreeyaan reer Yurub, sida ay sheegtay jariirada Mirror ee Ingiriiska.

Professor Doomsday, wuxuu dunidda ku qabsaday inuu marar badan ku celceliyay, haddii uu ka mid noqon lahaa la-taliyayaasha Putin inuu u sheegi lahaa waddamada Yurub inuu ku dhufto nukliyeer , si loo jabiyo isla waynidooda,loona tijaabiyo ballanqaadka Mareykanka ee difaaca xulafadiisa, waxayna ku biiristiisa Kremlin-ka ku soo aaday xilli ay sare u kacday xiisadda u dhaxaysa Ruushka iyo reer galbeedka.

 

Source link