Ciidanka Israel oo nolol ku soo furtay afar ka mid ah dadkii lagu heystay Gaza

Posted on




Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay howlgal ay ka fuliyeen xerada qaxootiga Nuseirat, ee ku taalla bartamaha Qasa , inay ku soo furteen 4 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah iyagoo nool.

La heystayaasha la soo furtay ayaa ka kooban saddex nin iyo haweeney sida ay sheegeen ciidamada Yuhuuda

Waxaa loo gudbiyay baaritaan caafimaad, sida lagu sheegay warbixinta ciidanka Israa’iil ee ay baahisay Al-jazeera.

Howlgalkan wuxuu noqonaya markii u horreysay oo Israa’iil ay sheegato inay gacanta Falastiiniyiinta ka soo furatay maxaabiis.

Ma jiro dhinaca Falastiiniyiinta wali war ka soo baxay oo howlgalkan looga hadlay, lamana sida ay israel ugu suuragashay iney soo furtaan la heysatayaal nool




Source link