Ciidamada dowladda oo qabtay nin hoggaamiye u ahaa koox burcad ah iyo xiisad ka dhalatay

Posted on

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen nin hoggaamiye burcad ahaa, kaa oo si weyn ciidamada u baadigoobayeen.

Ciidamada kumaandooska Danab oo gacan ka helayay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay ninkan burcadka ahaa, kaa oo ciidamo beeleed hubeysan ku heestay degmada Wanlaweyn.

Ninkan la qabtay ayaa la sheegay in isbaaro u taalay wadada soo gasha degmada Wanlaweyn, waxa uuna halkaasi gaadiidka uga qaadi jiray lacago sharcidarro ah oon ku dhicin qasnada dowladda Soomaaliya iyo tan maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Danab ayaana ninkan ku xiray saldhigga ciidamada ee Balidoogle, waxaana ninkan inta aan la qaban kahor isku dayay in uu dagaallamo, balse ciidamada ayaa qorshihiisa fashiliyay gacantana ku dhigay.

Degmada Wanlaweyn ayaana wararka ka imaanaya sheegayaan in magaalada laga dareemayo xiisad ka dhalatay xariga loo geestay ninkan burcadka ahaa, waxaana xarigiisa ka gadoodsan maleeshiyo beeleed ninkaasi ku heyb ah.

Dedaalo looga hortagayo in xariga ninkan xiisad dagaal dhaliso ayaa ka socda degmada Wanlaweyn, odayaal iyo xaraakiil ayaana ka shaqeenaya sidii looga hortagi lahaa rabshado degmada Wanlaweyn ka dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link