BOOLISKA oo soo xiray askari fal argagax leh ka gaystay MUQDISHO

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray askari ka tirsan saldhigga degmada Hodan oo shalay fal argagax leh ka gaystay Muqdisho, xilli ay dibad-bax ka dhigayeen qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysta mootooyinka Bajaajta.

Askariga oo lagu magacaabo Dable Farxaan Axmed Cismaan ayaa baabuur Cabdile ah ku dhuftay Mooto Bajaaj uu watay wiil dhalinyaro ah, wuxuuna ula dhaqmay si ka baxsan bani’aadanimada, taas oo ay ka caroodeen dad badan oo Soomaaliyeed.

Muuqaal ku baahan baraha bulshada ayaa muujinayo darawalka mootada oo dhulka kusii dhacaya, Cabdilaha oo gadaal uga imaanayo mootada, waxaana kadib lasii arkayaa askari soo tagay oo qoray ku qabanaya dhammaan dadkii ku sugnaa goobta.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo arrintan soo farogeliyay ayaa sheegay in lasoo xiray eedeysanaha, wuxuuna ballan qaaday in la horgeyn doono cadaaladda, si tallaabo looga qaado.

“Waxaa la xiray D/le Bol Farxaan Axmed Cismaan oo katirsan  Saldhigga Boliiska Hodan, kaasi oo ku lakacay muwaadiniin Soomaaliyeed oo banaanbaxayey fal ka’aradan hab dhaqanka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kazoo baxay Booliska.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka “Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awoodda u leh”.

Dhinaca kale Booliska ayaa digniin kazoo saaray in dibadbax aan sharci ahayn lagu qabto magaalada Muqdisho, waxayna tilmaameen inay ka dhalan karto fowdo dhalisay khasaare kala duwan.

“Waxaana lagu wargalinayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan banaanbaxyada aan sharciga waafaqsaneyn ee foodada ah oo ay ka dhalankaraan waxyeeladda nafta iyo hantida ummada Soomaaliyeed ku dhaqan Dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kazoo baxay Booliska.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa shalay isugu soo baxay Bajaajley ka cabaneysay lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay, waxaana arrintooda haatan soo farogeliyay maamulka gobolka Banaadir oo guddi u xil-saaray cabashadooda.



Source link