Booliska Muqdisho oo xiray nin falal anshax daro ah ku faafiyey barta Tiktok

Posted on




Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Hodan ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Yaxye Xasan Maxamed 22 jir ah.

Ninkan ayaa ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax-daro ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliska.

Yaxye Xasan Maxamed oo si weyn looga yaqaan barta Tiktok ayaa ku caan baxay Muuqaalo ay dad badan dhibsadeen oo uu bartaasi soo gelin jiray.

Ninkan ayaa iska soo duubayey Muuqaalo laga jilay isagoo faduulinaya gabdho wadada maraya, isla markaana leh ereyo anshax xumo ah sida “abaayo waa rabaa.. Madaxa ii geli, xagasha ii laab iwm.

Booliska Muqdisho ayaa maalmahan waday iney xirxiraan dhalinyaro iskugu jira rag iyo Dumar caan ka ah baraha bulshada, kuwaasoo lagu eedeeyey iney baahiyeen muuqaalo ka turjumayey falal ay ka mid yihiin anshax xumo, aflagaado iyo iska horkeen bulsho oo ku saleysan qabyaalad, iyadoo lagu wado in dhowaan la soo taago Maxkamad.




Source link