Biden oo saxiixay amar cusub oo lagu xaddidayo tahriibayaasha soo galaya Maraykanka

Posted on




Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Salaasadii saxiixay amar fulineed oo lagu xakamaynayo tirada muhaajiriinta magangelyo doonka ah ee ka soo gudbaya xuduudda u dhexeysa Maraykanka iyo Mexico.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkan Maraykanka ayaa sheegay in “madaxweyne Biden uu aaminsan yahay in la sugo ammaanka xuduudda, taasina ay tahay sababta uu u soo saaray amarkan fulineed, si dadka muhaajiriinta ah ee sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda Koonfureed looga hor-istaago inay helaan magangelyo” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay aqalka cad.

Amarkan fulineed ayaa ka hor-istaagaya muhaajiriinta sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda koonfureed inay dalban karaan magangelyo.

Hase ahaatee waxaa maamulka Biden ay sheegeen in tallaabadani aanay ahayn mid si joogto ah u shaqaynaysa, balse ay ku xidhan tahay duruufta ka jirta xuduudda koonfureed, gaar ahaan, xilliyada ay buuxdhaafto oo ay dad badani ku soo jabaan.

Biden ayaa Salaasadii sheegay in tallaabadani ay keenayso inay maamulaan xuduudaha Maraykanka. Wuxuu sheegay in amarkani uu soconayo illaa tirada sida sharci-darrada ah uga soo gudbaysa xuduudaha Maraykanku ay gaadhayaan heer aad u hooseeya oo si hufan loo maamuli karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link