Al-Shabaab oo dhexdooda isku laayay duleedka MUQDISHO

Posted on

Afgooye (Wararka Maanta) – Macluulmaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal dhex maray maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab oo shalay iyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare soo gaaray kooxda dhexdeeda.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Jambaluul oo qiyaastii illaa 35 km u jira magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana ka dhacay dagaal toos ah oo dhex-maray maleeshiyaad ay kala wateen laba sarkaal oo ka wada tirsan kooxdaAl-Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa xaqiijiyay jirtaanka dagaalka dhex-maray maleeshiyaadka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay iska laayeen xubno badan inta uu socday dagaalkooda.

“Deegaanka Jambaluul ee u dhow degmada Afgooye waxaa kamid ah dhacdooyinka ka dhacay in iyaga ay isku laayeen deegaankaasi, shalay galabtii iyo maanta waxaa ka dhacay dagaal dhexdooda ah” ayuu wareysiga ku yiri guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xubnaha dagaalamay ay isku qabteen arrimo la xiriira maamulka deegaanka, kadib markii xilkii laga qaaday mas’uuliyiinkii horay u joogay, mid kale oo lasoo magacaabayna ay isku dhaceen, sidaasna uu ku qarxay dagaalka.

“Waxay isku qabteen in mid kamid ah oo meesha mas’uul ka ahaa laga qaaday jagadii kadibna mid kale oo lasoo magacaaay uu meesha yimid uu diiday inuu xilka ku wareejiyo” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Arrintan waxay caddeyneysaa inay yihiin dad sii dabar go’aya diinta iyo waxyaabaha ay dadka qaldaayeenna ay sii dhamaatay”.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan dagaalka ka dhacay Jambaluul ee u dhexeeyay maleeshiyaadkooda, welina xaaladda ayaa kacsan.

Marar badan ayaa Shabaab dhexdooda sidaan oo kale ay ugu dagaalameen deegaannada ay ka arrimyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ka dhasha khasaare ay dhexdooda isu gaystaan maleeshiyaadka Khawaarijta oo sidoo kale halis ku haya shacabka.



Source link