Ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay

Posted on

Beledweyne (Wararka Maanta) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta nolosha lagu soo qabtay xubno ajaaniib oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Farlibaax ee gobolkaasi.

Howlgalka lagu soo qabtay xubnahan ajaaniibta ah oo labo ah, isla markaana uu wehliyo nin kale oo Soomaali ah ayaa waxaa sameeyay ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda.

Ciidamada huwanta ayaa soo bandhigay sawirrada ragga ay qabteen, waxayna sidoo kale ku wareejiyeen taliska ciidanka Xoogga dalka ee fadhigiisu yahay Beledweyne.

Guddoomiyaha deegaanka Farlibaax Axmed Aadan Xasan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahiyay howlgalkaas, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada fuliyay ee soo qabtay raggaasi ajanbiga ah iyo ninka Soomaaliga ah ee ka wada tirsanaa Al-Shabaab.

Axmed Aadan waxa uu sheegay in ninka Soomaaliga ah uu iyaga lasoo xiriiray, kadib markii uu kasoo fakaday kooxda Al-Shabaab, kuwa kalena ay soo qabteen ciidamada.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamada huwanta ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka howlgalo ay samayeen ayay labadan nin ee ajnabiga ah kuso qabteen ayagoo wax dhibato ah u geysan, ninka sadaxad waa Somali nala so xariray oo ka so baxsaday Khawarijta asago ka fa’ideysanaya cafiskii uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, ciidamaduna way sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Shabaab” ayuu yiri guddoomiye Axmed Aadan.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, waxaana weli kasii soconayo howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.



Source link