Abiy Axmed oo beeniyay Warar laga faafiyay heshiiskii Badda ay la galeen maamulka Somaliland

Posted on




Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ee dalka Itoobiya lagu faafiyay, warar sheegayay in dowladda Itoobiya ka baxday heshiiskii is-afagardka ee dhinaca badda oo ay gaareen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu beeniyay wararka lagu baahiyay baraha buldshada iyo warbaahinta qaar, waxa ayna warkaasi ku tilmaameen kuwa aan jirin oo been ah.

” Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu shacabka kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan waxyaabaha been abuurka ah ee hadda lagu faafinayo Internetka ee khuseeya heshiiska MOU ee Somaliland” ayaa lagi yiri warka kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed.

Warka kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaana shacabka looga digay in ay ku kadsoomaan wararka meelaha qaar lagu baahiyo, waxaana shacabka loogu baaqay in xaqiiqada ka helayaan bogga rasmiga ah ee xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Hadalkan kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa imaanaya xilli ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Itoobiya ka baxday heshiiskii ay la gashay Somaliland ayna wadahadllo la fureyso dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link