Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga dhisayo saldhig Dayax-Gacmeed

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay yeelaneyso xarun laga tuuro Dayax-Gacmeedka, taas oo uu hadda socdo dhismaheeda, waxaana ku howlan dowladda Turkiga oo kamid ah saaxibada ay leedahay dowladda federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadadii khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa xaqiijiyay in haatan gudaha dalka uu ka socdo mashruuc way oo lagu dhisayo saldhig laga gano Dayax-Gacmeedka, kaas oo ay ku bixi doonto bayaayiin dollar.

“Dalkeenna waxaa laga dhisayaa oo hadda ka socda saldhig Dayax-Gacmeedka laga tuuro, waana masharuux ay ku bixeyso dhowr bilyan oo dollar” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhismaha saldhiggan ay faa’iidi wayn ugu jirto Soomaaliya, isla markaana laga heli doono aqoon iyo shaqo abuur, uuna sidoo kale kor u qaado magaca Sooomaaliya.

“Mashruucaan waxaa laga faa’iidi doonaan aqoon iyo shaqo, dhalinyaro badan ayaa wax ku baran doonta heshiiska waxaa kamid ah aqoonta Soomaalida in kor loo qaado” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha sii raaciyay “Aniga Soomaaliya ayaa Dayax-Gacmeed laga ganay oo hawada sare gaaray ayaa dhowr bilyan iiga qiimo badan”.

Soomaaliya ayaa indhawaanahan ku tallaabsaneyso horumaro waa wayn, haddii la hirgelinaya xaruntan waa tallaabo kale oo Soomaaliya wacdaro uga dhigi doonto fagaareyaasha caalamka.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *