Sheekh Muuse Cadde oo caawa geeriyooday iyo Xasan Sheekh oo ka hadlay

Posted on

Muqdisho (Allbanaadir) – Allaha u naxariistee Sheekh Muuse Cadde oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa caawa ku geeriyooday dalka Netherlands, sida uu Allbanaadir u xaqiijiyey wiilkiisa Anwar Sheekh Muuse Cadde.

Sheekh Muuse Cadde oo maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanaa ayaa la sheegay inuu maray qaliin lagu guuleystay, balse wuxuu u geeriyooday xanuunkii soo ritay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida,  Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” isagoo tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, wuxuuna xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku.

Madaxweynaha ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uuka baxay.

Sheekha ayaa kamid ahaa culimada dariiqada Suufiyada, wuxuu ahaa caalim ku suntan u qidmeynta diinta Islaamka, wuxuuna kamid ahaa mashaa’ikhda la jecelyahay ‘hab gudbinta’m aqoontooda.

Sidoo kale Sheekh Muuse Cadde oo caawa geeriyooday, wuxuu kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ee sida weyn uga soo horjeeda oo la dagaalanta fikirka xag-jirka ah ee Khawaarijta.

Dhowr mar ayuu Sheekh Muuse Cadde yimid Muqdisho, isagoo dadka ku guubaabi jiray inay iska difaacaan oo ku jihaadaan kooxaha Khawaarijta ah ee dhiigga islaamka baneystay.

Sidoo kale wuxuu ka soo qeyb geli jiray shirarkii waaweynaa ee culimada Soomaaliyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ka jeedi jiray afkaaro cad oo muujinaya sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya laga xoreeyo Khawaarijta.

Sheekh Muuse Cadde wuxuu kamid ahaa culimadii Fatwootay magaca ‘Khawaarij’ oo lagu nisbeeyey Al-Shabaab, maadaama ay buuxiyeen shuruudaha magacaas xun, sida ay cadeysay culimada ugu waaweyn Soomaaliya oo Sheekha caawa geeriyooday u uku jiro.



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *