DF oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka dhex-qarxay SSC iyo Somaliland

Posted on

Ceerigaabo (Allbanaadir) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda magaalada Ceerigaabo, iyada oo sheegtay inay aad uga xun tahay colaadda kasoo cusboonaatay magaaladaasi oo u dhexeyso dhinacyo kasoo jeedo Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada dagaalamayo ay ugu baaqeyso inay xabadda joojiyaan, si looga hortego waxyeelo soo gaarto dadka rayidka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalkaasi, iyada oo ku dhaawaca ah u rajeysay caafimaad deg-deg ah.

Dagaalka ka socda Ceerigaabo ayaa qaatay laba maalmood oo xiriir ah, waxaana ugu dambeyn magaalada laga soo saaray garabka SSC oo hadda ku sugan banaanka magaalada.

Sidoo kale Somaliland ayaa lasoo wariyay inay xir xirtay mas’uuliyiin deegaanka ah oo kasoo jeedo dhinaca SSC oo ay ku eedeysay inay qayb ka ahaayeen dagaalka.

Dhankeeda SSC-Khaatumo oo war soo saartay ayaa Somaliland ku eedeysay inay ka dambeysay dagaalka Ceerigaabo, isla markaana ay dhibaato u gaysatay dadka shacabka ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaallo xooggan ay ka dhacayeen magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

 



Source link

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *