Muqdisho (Allbanaadir) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka golaha amniga qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska amniga qaranka.
Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howl-galka ATMIS, iyadoo ay qeyb-galeen ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre, ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, wasiirrada xubnaha ka ah golaha amniga qaranka iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka.
Intii uu shirka socday, waxaa lagu falan-qeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howlan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howl-galka cusub ee AUSSOM.
Sidoo kale waxaa shirka lagu casuumay warbixin muhiim ahna lagaga dhageystay wasaaradda beeraha iyo waraabka oo soo bandhigtay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed.
Wasaaradda ayaa shirka kusoo bandhigtay halista isbaarooyinka iyo lacagaha sharci darrada ah ee laga qaado gobollada goobo kamid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Arrintan ayaa guddiga golaha amniga qaranka waxay ku tilmaameen caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaale ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si deg-deg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.