Kismaayo (Allbanaadir) – Tan iyo wixii ka dambeeyay Bishii October ee sanadkaan 2024, markaas oo ay madaxda maamul gobaleedyada iyo kuwa dowladda dhexe isugu yimaadeen Shirkii 10-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran, Madaxweynaha Jubbaland iyo Dowladda Dhexe waxaa ka dhax oogan khilaaf culus, kaas oo gaaray gacan hadal iyo dhiig daatay.
Madaxweynaha Jubbaland waxa uu ka baxay shirkii oo socda, waxa uuna diiday in uu ku soo laabto madasha, sidoo kale waxa uu diiday in loogu tago Kismaayo si uu shirka u sii socdo, sida ay xaqiijiyeen madaxda dowladda iyo ilo wareedyo madax-banaan.
Dhammaan qodobada Axmed Madoobe iyo dowladda isku qabteen waa feylka doorashada, DF waxay ku doodeysaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah, si awooda xukunka dib loogu celiyo gacanta dadweynaha, sdioo kalane la mideeyo doorashooyin dalka, halka uu Axmed Madoobe ku dooday in uu qabsado doorashada dadban oo uu natiijadeeda ogyahay iyo in la keeno maamulada Puntland iyo SSC oo isku qoondo yihiin, aragtida doorasho dad-banna ay ka mideysan yihiin.
Axmed Madoobe, waxa uu ku dhaqaaqay qabsashada doorashadii uu rabay, waxaana usoo baxday natiijadii uu rabay, dowladda ayaase qaadacday doorashadaas, kadibna Jubbaland waxay lugaha la gashay jahwareer siyaasadeed oo culus.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka jawaabeysa tallaabooyinka Axmed Madoobe uu u qaaday dhanka doorashada ayaa Ciidamo geysay magaalada Raaskambooni, Axmed Madoobana waxay u soo jartay waaran soo qabasho ah.
Go’aankaas waxaa laga dhaxlay dagaal dowladda Raaskambooni looga qabsaday, inkastoo ay sii xoogeysanayaan wararka sheegaya in Jubbaland dagaalkii Raaskambooni ay ka taageeren dhinacyo kale, natiijada DF ay ka heshay dagaalkii Raaskambooni waa in Axmed uu ku xirtay Itoobiya oo dagaal diblomaasiyadeed kala dhaxeeyo Soomaaliya, maadaama damac waalan uu ka galay badeenna.
Warbixintaan waxaan ku eegeynaa 3 qodob oo aan marna Axmed Madoobe dhankiisa laga heli doonin xataa haddii uu meesha ka baxo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladda hadda jirta, waxayna qodobadaas kala yihiin:
1-Xoogeysiga dowladnimada Soomaaliya:
Hogaamiyaha Jubbaland iyo qaar kale oo kamid ah madaxda Soomaalida danahooda kama dhax arkaan, mana rabaan in Soomaaliya ay yeelato dowlad xoogleh oo gacanta ku heysa guud ahaan dalka, amarada dowladda dhexe-na ay ka shaqeeyaan goballada Soomaaliya.
Qodobkaan tuhun waxaa jira in ay ka dambeeyaan dowlado shisheeyeeye oo ay ugu horreyso Itoobiya, kuwaas oo aan rabin in Soomaaliya yeelato dowlad xoogleh oo isku filan, waxayna fulinta ajandahooda u maraan siyaasiyiin Soomaali ah.
2- Xukunka oo lagu tartamo:
Kursi jaceylka Soomaalida, waa mid ay ka siman yihiin Siyaasiyiinta talada haya, laakiin Axmed Madoobe waxa uu uga duwan yahay, doorasha dad badan iyo nuuc kalaba oo lagu tartamo waligiis kama qaban deegaanka uu xukumo ee Jubbaland, hadana ma ogola in la qabto, haddii uu cimrigiisa gaarana waxa uu ku fakarayaa in 50 sano oo hadda dhiman qabsado doorashooyinkii ugu dambeeyay ee 2019 iyo 2024 oo kale.
3-In Al-shabaab laga adkaado:
Axmed Madoobe Xukunkiisa jirsaday 14-ka sano waxa uu ku kooban yahay Kismaayo, Afmadow iyo Dhoobleey, sababtoo ah waligiis Gedo ma tagin, dadka degaankaas ku noolna 14-kaas sano waa ay diidan yihiin xukunkiisa, Axmed ma jecla in dalka uu ka dhaco dagaalka ka dhanka Al-shabaab, sababtoo ah siyaasiyiin uu ku jiro iyo dowlado shisheeyaba waxay khatar u arkaan in hadii Soomaali ka adkaato Al-shabaab ay weynayaan dano badan oo hadda ay helaan ama ku hamiyaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa hogaamiyaha Jubbaland toos ugu eedeysay in uu ku jiro dadka danahooda ka dhax arkay jiritaanka Al-shabaab.
Dhammaan dadka ku nool magaalooyinka uu ka taliyo Xukunka Axmed Madoobe waxay ku qasban yihiin in hogaamiyihooda ay taageeraan sax iyo qaladba, qofkii diidana waxa uu muteysan karaa ciqaab daran iyo musaafurin.